678 Views

Xukuumadda oo sheegtay in ay diyaar u tahay dib u eegista guddiga doorashooyinka

Xukuumadda oo sheegtay in ay diyaar u tahay dib u eegista guddiga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 15, 2020 –Ra’iisul- wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed oo ka qeybgalay kulan looga hadlay qoondada Haweenka ee doorashooyinka ayaa ka hadlay arrimo la xiriiro doorashada dalka iyo cabashooyinka ay qabaan Mucaaradka.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in la xaliyo tabooyin kala duwan ee ka dhanka xukuumadda si dalka doorasho uga dhacdo.

Mahdi Guuleed Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Maamul-goboleedyada in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan Guddiyada doorashada ee muranka laga keenay, si loo xaliyo tabashada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post