663 Views

Itoobiya waxaa ku yaalla lix xero oo dadka gudaha ku barakacey halkaasi loogga sameeyey

Itoobiya waxaa ku yaalla lix xero oo dadka gudaha ku barakacey halkaasi loogga sameeyey
____________________________________________________________________________

.

June 15 2021

Magaalada Changni, waxey ku taalla ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxaa ku yaalla lix xero oo dadka gudaha ku barakacey halkaasi loogga sameeyey.

Waxey hoy u noqotey kumanaan qof, kuwaasoo intooda badan ay yihiin carruur iyo haween, oo wadaagaya teendhooyin ay u qeybiyeen hey’adaha gargaarka iyo guryo macmal ah.

Yeshalem Mulat, waxey kamid tahay dadka ku barakacey gudaha Itoobiya, waxey sheegtay wali iney ujeedo halkii ay walaasheed ay ku dileen rag hubeysan

Waxey intaa ku dartey in loo bartilmaameed sadey qowmiyadda ay ka dhasheen darteed. Masiibadda ku dhacdey Yeshalem, kuwo lamid ah ayay ku dhacdey qoysas badan oo ku dhex qaxey gudaha Itobiya.

Xeryo badan oo qaxooti ayaa laga furey Itoobiya. Tira koobkii u danbeeyey, laba milyan oo qof ayaa ku barakacey dagaalada ka socda Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post