573 Views

Sheekada ku saabsan madaxa sirdoonka Pakistaan ee baraha bulshada qabsatay

Sheekada ku saabsan madaxa sirdoonka Pakistaan ee baraha bulshada qabsatay
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

 Markii ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan uu baahiyay sawir qado ah oo uu la galay Bill Gates bishii hore, dadka isticmaala baraha bulshada waxay dareemeen wax cajiib ah.

miiska waxaa yaalay 13 kursi, laakiin waxaa ka muuqday oo kali ah 12 qof, taasi oo micnaheedu tahay in sawirka qof fadhiyay kursiga 13 uu ka maqan yahay.

Goobta bannaan waxaa ku jiray qof aan muuqan oo fadhiyay oo u muuqday inuu la sheekeysanayo dadka kale ee ku xeeran, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo in sawirka la qaaday markii uu qofkaasi meesha fadhiyay iyo in kale.

Wax yar ka dib, wakaaladaha wararka maxaliga ah ayaa sheegay in madaxa cusub ee sirdoonka dalka, General Nadeem Anjum, sawirkiisa la masaxay oo uu isaga ahaa qofkii goobta fadhiyay.

Muddooyiinkii u dambeeyay waxaa khilaaf siyaasadeed ka taagneyd dalka Pakistan.

Xurgufta waxay bilaabatay afar bilood ka hor, markii taliyaha ciidamada Qamar Javed Bajwa uu u magacawbay Anjum inuu hogaamiyo Sirdoonka dalka pakistan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post