675 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo gaartay Muqdisho goor dhawayd

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo gaartay Muqdisho goor dhawayd
____________________________________________________________________________


August 8, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ayaa goordhaw gaartay magaalada Muqdisho halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.

 Ra’iisul wasaare  Rooble ayaa lagu waday in uu yimaado Nairobi, walow aanay faafaahin qorshaha safarkiisa iyo xilligaba.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmay caleemaasaarkii madaxweynaha Jabuuti halkaas oo la sheegay inay ka wada-hadleen hagaajinta xiriirka labada dal.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post