1116 Views

SAWIRO:-Rabshado ka bilaawday Suudaan & dibadbaxayaal la dilay

SAWIRO:-Rabshado ka bilaawday Suudaan & dibadbaxayaal la dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Ugu yaraan shan qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha dalka Sudan ayaa dhintay, kaddib marki ay ciidamada millatariga weerareen koox ka mid ah bannaanbaxayaasha oo ku sugnaa bannaanka xarunta taliska millatariga ee Khartoum.

 

Guddiga dhaqaatiirta Sudan ayaa xaqiijiyay dhimashada shanta qof, halka ururka Iskaashatada Xirfadleyda Sudan ay waxa hadda ka socda Khartoum ku tilmaameen xasuuq.

 

Iskudhacyada khasaaraha sababay ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ciidamo ka tirsan millatariga isku dayeen in ay xooog ku qaadaan jidgooyooyin ay dibadbaxayaasha ku kacsan xakunka millatariga ka sameysteen banaanka xarunta millatiga ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

 

Wariyaasha ayaa kusoo warramaya in ay arkeen ciidamo farabadan oo aad u hubeysan oo la dhigay dhamaan wadooyinka caasimadda, halka dadka bannaanbaxyada wada ay iyana xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada.

 

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay golaha milatari ee xakuma Sudan, in ay joojiyaan awoodda ay u adeegsanayaan dadka sameynaya dibadbaxyada.

 

Dibadbaxayaasha ayaa wacad ku maray in aysan ka tagi doonin bannaanka xarunta looga taliyo millatariga ilaa uu millatariga talada ku wareejinayo dowlad rayid ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment