870 Views

Xog-hayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr Fred Matiang’i oo gaaray Magaalada Doxa ee Caasimadsa dalka Qatar

Xog-hayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr Fred Matiang’i oo  gaaray Magaalada Doxa ee Caasimadsa dalka Qatar
____________________________________________________________________________


Jimco: September 24, 2021

Xog-hayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr Fred Matiang’i ayaa gaaray Magaalada Doxa ee Caasimadsa dalka Qatar, isagoo fariin ka sida Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata si uu ugaarsiiyo amiirka Doxa Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Warar ayaa sheegaya in safarka Xog-hayaha uu salka ku hayo in dowladaha Kenya iyo Qatar ay kala saxiixan doonaan heshiis ku qotama dhinaca Amniga, Sida Warbaahinta Kenya qaarkood ay qorayaan.

Sidookale Safarka Xog-hayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr Fred Matiang’i ayaa kusoo beegmaya, iyadoo lagu wado in Maxkamada Cadaaladda Adduunka ICJ ay ku dhawaaqdo 12 bisha ina soo aadan ee October xukunka dacwadda muranka badda ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Tan iyo sanadkii 2020 Dowladda Qatar ayaa xiriir qoto dheer la lahayd Madaxda Soomaalida gaar ahaan kuwa xukunka haya oo uu ugu sareeyo Madaxweyne farmaajo, waxaana la shegaa in ay ku lahayd arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay xusid mudan tahay in kaalin muuqato ay ka qaadatay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaaraan madmadoow siyaasadeed oo u dhaxeeyay si gaar ah xiriirkoodii diblumaasiyadeed oo muddo xumaa.

Sidookale Dowladda Qatar ayaa hore iskugu dayday iney heshiis ku saabsan Dacwada badda kala dhex dhigto Soomaaliya iyo Kenya iydoona markii dambe ku guul dareesatay.

Dhankeeda Qatar kama aysan hadlin waxa uu salka ku hayo safarka magaalada Doxa uu ku tagay Xog-hayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr Fred Matiang’i.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post