543 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka  diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu ambabaxo safar dalka dibadiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May, waxaana haatan dalka kusime Madaxweyne ka ah Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar  maadaama shalay uu isna uu safar dibadda ah u baxay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doono madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Sheekh Maxamef bin Zayed Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post