1530 Views

Hormuud Salaam Foundation oo Laptop u qaybisay ardaydii guuleysatay

Hormuud Salaam Foundation oo Laptop u qaybisay ardaydii guuleysatay
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 2, 2021

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta Laptop-yo u qaybisay ardaydii ku guuleysatay imtixaanta Dugsiga Sare, ee loo qaatay waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda.

Ardaydan oo gaareysa soddon (30) arday ayaa ku guuleystay barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation, sanadkiisii sadaxaad.

Laptop-yada ayaa waxay ardayda ka caawin doonaan barashada iyo samaynta cilmi baarisyada, muddada afarta sano ah ee ay waxbarashada ku guda jiraan.

Guddoomiye Kuxigeenka Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxman Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in deeqda waxbarasho loogu talagalay in la soo saaro dadkii dalkan mustaqbalka wax-u-tari lahaa, waxaana uu kula dardaarmay ardayda in waqtigooda iyo nasiibkooda ay ka faa’iideystaan oo ay ka natiija keenaan waxbarashada, isla-markaana ay dib u milicsadaan juhdiga waalidiintooda ay ku soo bixiyeen.

Qaar kamid ah waalidiinta iyo ardaydii heshay agabkan waxbarasho ayaa ka mahadceliyay fursadaan ay siisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, iyagoo markaasi tilmaamay in ay dhameystiri doonto habsami socodka waxbarashadooda.

Waa sanadkii sadaxaad oo xiriir ah oo la bixinayo barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, waana deeq waxbarasho oo sanadle ah, oo shirkaddu bilowday April, 2019, iyadoo ujeedka loo aasaasay-na uu yahay in la daboolo baahida waxbarasho ee dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post