1074 Views

Kenya oo War kasoo saartay weerarkii Gaariga

Kenya oo War kasoo saartay weerarkii Gaariga
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 03, 2020—Ciidanka difaaca Dalka Kenya ee KDF loo yaqaan ayaa waxaa mas’uuliyiin u hadashay ay sheegeen inay toogasho ku dileen Saacadihii lasoo dhaafay Afar ka mid ahaa Ururka Al-Shabaab, markii ay Waddada u dhexeysa Mombasa iyo Laamu u galeen Gaari Bas ah oo siday Dad Shacab ah.

 

Isku duwaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, John Elungata, ayaa sheegay in ay Ciidankoodu ku guuleysteen dilka Afartaasi xubnood, mid kalana ay Gacanta ku dhigeen isaga oo nool.

 

 

 

Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaari rakaab ahaa oo kusii jeeday deegaanka Lamu,waxaana ay sheegeen inay weerarkaas ku dileen Afarx Ruux oo gaariga saarneyd.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment