6231 Views

Tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA oo lagu qabtay Magaalada Amsterdam

____________________________________________________________________________
Muqdisho, 27 September 2015: Waxaa Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands, lagu qabtay Tartanka Cayaaraha Fudud (ORODKA) ee HIRDA, kaasi oo markii 2-aad isla sanadkaan ay soo qaban qaabisay Hey’adda HIRDA ee fadhigeedu yahay dalka Holland, iyadoona hal ku dhiga tartankaan loogu Magac-daray (RUN FOR YOUR DREAM).
 
Tartankaan oo ka duwanaa kii bishii May ee sanadkaan lagu qabtay Magaalada Amsterdam, ayaa waxaa lagu tartamay 200M, 400M, 800M iyo 1500M, iyadoona markii ugu horeysay ay tartankaan ka qeyb-galeyn caruur da’dooda ka hooseysa U12, waxaana sidoo kale ka qeyb galay dhalinyaro fara badan oo ka kala yimid Magaalooyinka kala gedisan ee wadanka Netherlands, kuwaasi oo qaarkood horey ugu qeyb galay tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA, halka qaar kalena ay ku cusbaayeen.
 
Tartankaan oo ah mid ay Hey’adda HIRDA ugu tala-gashay in ay ku dhiira-geliso dhalinyarada xirfada u leh Cayaaraha Fudud, kuwa  ku hanweyn in ay heer wanaagsan ka gaaraan Cayaaraha Orodka, iyo in lagu soo saaro cayaartoy Soomaaliyeed oo mustaqbal ku leh Cayaaraha Fudud, ayaa waxaa tartamayaashii ku guuleystay kaalimaha hore la guddoon-siiyay Abaalmarino kala gedisan, taasi oo qeyb ka ahaa sare u qaadida niyada dhalinyarada.
 
Orodka 200m, ayaa waxaa kaalimaha ugu horeeya galay;
1. Mohamed Abdirahman 
2. Abdisalam Abdi 
3. Abukar Ali 
 
400m ayaa iyana waxaa kaalimaha ugu horeeya kala galay Cayaartoyda kala ah;
1. Abukar Ali Adan 
2. Fawaz Mohamed 
3. Abdullahi Mohamed 
 
800m, waxaa kaalimaha ugu horeeya galay;
1. Abdikhani Mohamed
2. Abdisalam Mohamed 
3. Mohamed Abdirahim
 
Tartanka ugu adkaa ee 1500m, ayaa waxaa kaalimaha ugu horeeya ku guuleystay;
1. Abdirahman Mohamed 
2. Mohamed Abdirahman 
3. Muslim Hirsi
 
Cayaaryahanka Abdirahman Mohamed ayaa markii labaad ku guuleystay in uu kaalinta labaad ka galo 1500M, halka walaalkii Abdikhani Mohamed, uu isna markii 2-aad ku guuleystay 800M, waana labo cayaaryahan oo Mustaqbal wanaagsan ku leh Cayaaraha fudud.
 
Caruurta ka U12, ee iyagu ka qeyb galay Tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA, ayaa waxa ay ku tartameen 100m, waxaana kaalimaha ugu horeeyay galay;
1. Asad Ahmed kulmiyo
2. Zakariya Ahmed
3. Omar Mahamud 
 
Ugu danbeyn waxaa halkaasi ka hadashay oo tartanka soo xirtay, Agaasimaha guud ee hey’adda HIRDA, Drs. Faadumo Faarax, iyadoona cayaartoyda iyo waalidiinta ugu mahadcelisay ka qeyb-galka tartanka Cayaaraha Fudud ee HIRDA, waxa ayna halkaasi ka balan qaaday in ay caawin doonto isla markaana gacan siin-doonto cayaartoyda Soomaaliyeed ee Cayaaraha fudud kuwooda ku dhaqan dalka Holland si mustaqbal wanaagsan ay ugu gaaraan cayaaraha orodka.
 
“Dhamaan cayaartoyda kaalimaha hore galay iyo kuwa kale ay ka qeyb qaatay tartankaan, waxaan ku casuumeynaa cayaaraha Futsalka ee HIRDA AFT Winter Cup, kaasi oo dhici doonna, 20, 21, December 2015, ma ahan oo kaliya in aan cayaaro idin qabanay, sidoo kale waxaan idin ka caawin doonnaa waxa aad baahiyaha u qabtaan, si mustaqbal wanaagsan aad ugu gaaraan Cayaaraha fudud, sidoo kale dhalinyarada waxaan ku dhiira-gelineynaa in ay isboortiga xooga saaraan” Ayey tiri Drs. Faadumo Faarax.
 
Tartankaan Cayaaraha Fudud oo ay Hey’adda HIRDA ku qabatay Magaalada Amsterdam ayaa waxa uu kusoo idlaaday jawi isboorti iyo mid dhiira-gelin.
 
Salah Hassan Omer (Salah Dheere)
Amsterdam – Netherlands
HIRDA-RUN-1
HIRDA-RUN-5HIRDA-RUN-9
HIRDA-RUN-13
HIRDA-RUN-17
HIRDA-RUN-18HIRDA-RUN-26
HIRDA-RUN-27

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment