300 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada & Abaaraha uga qeyb galaya Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada & Abaaraha uga qeyb galaya Jabuuti
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha magaalada Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Waa safarkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Jabuuti tan iyo markii xilka loo doortay 15ka May ee sanadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post