474 Views

Farmaajo”ATMIS uma hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka

Farmaajo”ATMIS uma hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka jawaabay qoraal caawa ka soo baxay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in howlgalka midowga Afrika ee ATMIS aysan u hoggaansamin amar ka soo baxay hal xafiis, islamarkaana aan awood u laheyn inuu farageliyo howlaha golaha shacabka.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu bilaabay”markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan;

  1. Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  2. Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  3. Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.
  4. Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka.
  5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.
  6. Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post