909 Views

Maamulka Hir-Shabeelle oo Amar kusoo rogey Ganacsatada

Maamulka Hir-Shabeelle oo Amar kusoo rogey Ganacsatada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axed    , March 22, 2020 —Wasaaradda Ganacsiga ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay ku amartey Ganacsatada ku nool deegaannada Maamulkaas inay muddo bil ah gudahood isku soo diiwaangeliyaan.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow ayaa sheegay in ay yeesheen Madaxda Wasaaradda & Rugta Ganacsiga Gobolka Shaeellaha Dhexe kulan looga hadlayay Arrimaha Ganacsiga.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in,iyada oo la tixraacayo Ansixintii Xubnaha Baarlamaanka Sharciga Sumadaha & Shatiyada,kaas oo Wasaaradda wax badan ka xayirayey ay soo saareen ammaradaan.

 

1: In ay isasoo diiwaangeliyeen muddo Bil Gudaheed ah dhamaan Ganacsatada kala duwan ee deegaannada Hir-Shabeelle.

 

2: Inay isasoo diiwaangeliyaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay si loola socodsiiyo isbedel Ganacsi oo jira.

 

3: Dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta & kuwa Xawaaladaha ee ku yaalla deegaannada Hir-Shabeelle iyana lagu amrey inay isasoo diwaan geliyaan hadii kale la xiri doono.

 

4: Amaradaan ayuu sheegay inay ku socdaan dhamaan Ganacsatada deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana Ganacsadihii aan is diiwaangelin lagala laaban doono shatiyada Ganacsi oo ay hesytaan.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow in ay fulinayaan Amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment