1236 Views

Madaxweyne Waare” Go’aanka Ciidamada Burundi Looga Saarayo Hir-Shabeelle Waa Mid La Siyaasadeeyay”

Madaxweyne Waare” Go’aanka Ciidamada Burundi Looga Saarayo Hir-Shabeelle Waa Mid La Siyaasadeeyay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan waxa uu ka muujiyay ka bixitaanka Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM ee deegaanada maamulkaas.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Go’aanka 1,000 askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi ee ku sugan hir-Shabeelle looga saarayo uu yahay mid kaliya ay gaareen AMISOM iyo UN-ka,sidoo kalena usan aheyn mid lagala tashaday Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka hir-Shabeelle.

Isaga oo wareysi siinayay mid ka mid ah Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga ayuu sheegay in la siyaasadeeyay bixitaanka Soomaaliya 1,000 askari ee Ciidamada Burundi,isla markaana Taliskooda hir-Shabeelle kaliya lagu soo koobay balse ay aheyd in Maamul goboleedyada kale laga soo kala aruuriyay loona qeybiyo 1,000 askari

“Runtii bixitaanka ciidamada Burundi ee Hir-Shabeelle waa walaaca ugu weyn aan qabno,waana mid siyaasadeed,waayo Taliska 5aad ee hir-Shabeelle kaliya ayaa laga qaadayaa Kunkaas laakin looma qeybin maamulada kale,Hir-Shabeelle 200 oo askari kaliya ayaa uga soo aadi lahaa ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waxa uu sheegay isaga oo sii hadlayay in ay isku-dayeen inay talo ku yeeshaan go’ankaas laakin aan wax natiijo ah kasoo bixin balse kaliya ay wada gaareen AMISOM iyo hay’adaha taageera,waxana uu geba-gabadii sheegay inay hadda qorsheynayaan inay ka digtoonaadaan saameynta ay bixitaankaas Hir-Shabeelle ku yeelan laheyd,isla markaana ay isku tashanayaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment