1560 Views

Qaraxyo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

Qaraxyo  Goordhow Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo ka dhacay Suuqa Xoolaha gaar ahaan Agagaarka Sos, kuwaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidda ay Shabakada Qaranimo u xaqiijiyeen goobjoogayaal laba Qarax ayaa lala eegtay Ciidamada AMISOM, oo Maraayay Suuqa Xoolaha gaar ahaan Agagaarka SOS.

Qaraxyadda ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in ay daqiiqado kala dambeeyeen

Qarax koowaad ayaa qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan .

Daqiiqado ka dib ayaa sidoo kale waxaa dhacay Qarax kale, Waxaana la sheegay in uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.

Waxaa jira Khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad Shacab ah oo goobta Maraayay, islamarkaana ay gaareen xabadihii ay fureen Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen, islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment