2658 Views

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo diiday xilka qaadistii Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo diiday xilka qaadistii Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2018 – Gudoomiyahii Maxkamadda Sare ee Dalka, Ibraahim Iidle Suleymaan; ayaa ka hor yimid xilka qaadis uu shalay gelinkii dambe ku sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kala qeybsanaanta Awoodaha Fulinta iyo Sharci dejinta ayuu sheegay in ay kala madax banaan yihiin, sidaa awgeedna aan sharci aheyn Xilka ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Habka loo maray waxa uu ku tilmaamay in uusan u  dhicin hab raaca Dastuurka KMG ah ee Dalka oo ah kala hagaha Awoodaha Madaxda Dowladda.

Gudoomiye Ibraahim; oo la hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in Mar waliba uu Sarreeyo Dastuurka Dalka isla markaana uu qaddarinayo Madaxweynaha iyo Dastuurka.

Waxa uu sheegay in uusan  Sharci aheyn Xil ka qaadista lagu sameeyay, sidaa awgeedna aan u hogaansameyn wareegtada  Madaxweynaha uu Shaqada kaga eryay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xil ka qaadista Ibraahim Iidle;  oo labo sano Xilkaan hayay ku sheegay in ay sabab u tahay Cabashooyin uga yimid bulshada oo la xiriira dhinaca garsoorka.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo; ayaa waxaa uu xilkaas u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed oo horay uga mid ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland ee Waddani.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment