609 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada Turkiya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo  kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada Turkiya
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 18, 2021

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo ujoogay Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka Danta yar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay kaalin uga geysan lahayeen bulshada laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

“waan idinkaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen caawa, shaqo wanaagsan ayaad qabateen wacyi-gelinta bulshada iyo taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey magaalada laascanood waa shaqo mudan inaan idinkaga mahadcelino,dowlada iyo shacabka turkiga marwaliba qalbiyadeena waad ku weyntihiin waadna mahadsantihiin garab istaaga walaalihiina soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Hadiyad Kitaab Quraan ah ka Gudoomay Culi’mada ka socotay Dowlada Turkiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post