267 Views

Dhaleecayn ka dhex qaraxday xisbiga Jamhuuriga markii xisbiga Dimuqraadigu uu sii xajistay awooda iyo aqlabiyada aqalka Senet-ka

Dhaleecayn ka dhex qaraxday xisbiga Jamhuuriga  markii xisbiga Dimuqraadigu uu sii xajistay awooda iyo aqlabiyada aqalka Senet-ka
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Dhaleecayn ayaa ka dhex qaraxday xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ka dib markii xisbiga Dimuqraadigu uu sii xajistay awooda iyo aqlabiyada aqalka Senet-ka ee doorashada xilliga dhexe.

Sanatar, Josh Hawley, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in xisbigii faca waynaa uu dhintay ayna tahay in la dhiso wax cusub.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale cabasho ka muujiyay in ay jiraan wax-isdaba marin isaga oo aan wax cadeyn ah soo bandhigin.

Aqlabiyadda dimuqraadiyiinta ee aqalka Sanet-ka ayaa timid ka dib markii u si darqi ah doorashada gobolka Nevada ugu guuleystay musharaxii xisbiga dimuqraadiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post