837 Views

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 5 2020—Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Arimaha gudaha iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug iskaga kaashan lahaayeen howlgalada lagaga hortagayo Al-Shabaab, iyo in ay dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay Madaxweyne Qoorqoor Wasiirada Amniga iyo Arimaha gudaha waxaana ay sheegeen in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmari doonto Jabuuti iyo Galmudug.

Qoorqoor ayaa sidoo kale kulan la qaatay Gudoomiyaha Dekeddaha dalka Jabuuti oo uu kala hadlay dhismaha dekedda weyn ee Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post