969 Views

Dilka loo geystay xildhibaan Sir David oo muujinaya jahwareerka amniga ee soo wajahay guud ahaan siyaasiyiinta caalamka.

Dilka loo geystay xildhibaan Sir David oo muujinaya jahwareerka amniga  ee soo wajahay guud ahaan siyaasiyiinta caalamka.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Dilka loo geystay xildhibaan Sir David Amess oo u dhashay Britain ayaa muujinayaa jahwareerka amni ee soo wajahay guud ahaan siyaasiyiinta caalamka.

Haddaba, sidee siyaasiyiinta ugu noqon karaan dad furfuran oo dadkii soo doortay dhexgeli gara iyagoo la xaqiijinayo amnigooda?

Weriyeyaasha BBC ee ku sugan daafaha caalamka ayaa ka warramaya amniga siyaasiyiinta marka ay ku sugan yihiin goobaha fagaarayaasha ah ama dadweynaha.


Guud ahaan dalka Brazil, siyaasado wejiyo badan leh marka laga eego dhanka xaqiiqada.

Goobaha ka baxsan magaalooyinka sida deegaanada dhaca Amazom waxaa dhici kartaa in siyaasiga uusan heysin amni buuxa ama ilaalo ku filan- ma ahan arrin la dhihi karo in aysan wajaheynin xaalad amni darro ah-iyadoo ay jiraan dad awood leh oo dhaqaale raadis ah oo doonayaa inay wax maamulaan isla markaana halis ku noqon kara amniga siyaasiyiinta.

Magaalooyinka waaweyn ee dhaca Brazil sida São Paulo iyo Rio de Janeiro waxaad arkeysaa siyaasiyiinta oo ay dhinac yaacayaan ilaalada xilli ay dad badan kusoo xoomayaan- dhaqaalaha halkan wuu xooggan yahay- sinnaan la’aanta meesha kama marno, siyaasiyiinta taajirka ah waxay badbaadiyaan noloshooda.

Brazil, siyaasad ahaan wey kala qeybsan tahay, waana arrin soo shaaxbaxday xilligga maamulka madaxweyne Jair Bolsonaro, waxaana toori la geliyay xilli uu ka qeybgalayay ololahiisa doorashada madaxtinimada, waxay dhacdadaas waddada u xaartay in la khafiifiyo dhaqangelinta sharciga adkeynaya isticmaalka hubka.

Netherlands

Sawirro laga soo qaaday Ra’iisul Wasaaraha Netherlands oo si xor ah isaga socda xilli uu baarlamaanka ku tegayay baaskiil, waxay arritani muujineysaa nabadda iyo xasiloonida ka jirta dalkan.

Balse waxaa dhawaan la xaddiday xoriyaddiisii aheyd in uu iska dhex socdo dalkaas kadib markii la qabtay wiil 22 jir ahaa oo looga shakiyay in uu qorsheynayay isku day dil oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Mark Rutte.

Toddobaadkii lasoo dhaafay nin kale oo u dhashay dalka Netherlands ayaa kasoo hormuuqday maxkamad kadib lagu eedeeyay in bartiisa Facebook uu soo dhigay hanjabaad ah in uu dilayo labo siyaasiyiin ah.

Labtaan sano ka hor Pim Fortyn oo ahaa siyaasi hoggaamin jiray xisbi ayaa waxaa dilay qof ka tirsan garabka bidix oo u ololeyn jiray xuquuqda xayawaanada.

Ma nin Soomaali ah baa fuliyay dilkii xildhibaanka UK ee dhacay shalay?

Ninka Soomaaliga ah ee ka cararay UK kaddib ka baxsaday booliska Hindiya oo maxkamad u wada

Yaad ka taqaan madaxda adduunka ee lagu qabtay iyaga oo dad xamanaya?

Inta badan xildhibaanada Netherlands waxay ka qeybgalaan munaasabadaha ka dhaca goobaha isu imaatinka iyaga si kadis ah u xaadira halkaas maadama dalkaas aanan lagu kala qeybsaneyn siyaasadda.

Halka si weyn amnigoodu loo sugo siyaasiyiin fara ku tiris ah oo uu kamid yahay hoggaamiyaha kasoo jeedo arrimaha Islaamka, Geert Wilders.

Inta badan xildhibaanada dalkan waxay rumeysan yihiin in noloshooda aysan wax halis ah ku jirin maadama howl wanaagsan ay qabtaan.

Mareykanka

Halista ka imaaneysa rabshadaha ka dhasha hubka, dhibaatada ka dhalatay cudurka safmarka ayaa wax ka baddalay dabeecadaha siyaasiyiin badan oo la kulmi jiray shacabkii soo doortay gudaha Mareykanka.

Siyaasiyiinta ka tirsan Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa lagu qaaday weerar bartilmaameed ah, Steve Scalise oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa dhaawacay qof ka tirsanaa garabka bidix xilli uu ka qeybgalayay isu soo bax dhanka ciyaarta baseball sanadkii 2017, sidoo kale Gabrielle Giffords oo ah siyaasi Mareykan ah ayaa 2011 dhaawac culus loo geystay kadib markii qori lagu weeraray xilli uu ku sugnaa goob ay ka dhaceysay isu soo bax siyaasadeed.

Arrinta ku saabsan walaaca dhanka amniga ee siyaasiyiinta ayay axsaabta ku kala aragti duwan yihiin, siyaasiyiinta dimuqraadiga waxay iska ilaaliyaan goobaha isu imaantinka ee bannaanka ah ama inay la socdaan ilaalada halka siyaasiyiin badan oo ka tirsan muxaafidka ay dhex socdaan goobaha isu imaatinka si ay ula kulmaan tageerayaashooda.

Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga waxay u doodaan lahaanshaha hubka halka Dimuqraadiga ay wadaan dadaallo ku aadan in la helo shuruuc adag oo xaddidaysa isticmaalka hubka.

Hindiya

Dalka Hindiya, xildhibaanada waxaa ilaaliya hal askari ah oo loo xil saaray amnigiisa balse dhammaan xildhibaanada kama sina tirada ilaalada loo qondeeyay, waana mid ku xiran halista dhanka amniga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa mar kasta dib u eegis ku sameysaa xaaladda amni ee siyaasiyiinta la kulma hanjabaadaha si wax looga qabto dhibaatada lasoo derista.

Booliska gobolka ayaa sugaa amniga xildhibaanka marka uu u safrayo deegaan baarlamaaneedkiisa, inta badan xildhibaanada waxay ka qeybgalaan kulamada iyagoo dad badan ay agtooda dhooban yihiin xilli ay amnigooda sugayaan ilaaladooda gaarka ah.

Waxaa sanadihii u dambeeyay lasoo tebiyay dhacdooyin amni darro ah oo soo wajahay xildhibaanada qaar ee Hindiya, madaxii gobolka Delhi Arvind Kejriwal, ayaa waxaa dharbaaxay nin sanadkii 2019 xilli uu ka qeybgalayay olole doorasho.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa horraan lagu dilay weerar, waxaana kamid ahaa Indira Gandhi iyo Rajiv Gandhi oo labadooduba Ra’iisul Wasaare kasoo noqday Hindiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post