1935 Views

Dowladda oo soo saartay digniin ku socota Kalluumeysatadda Soomaaliyeed

Dowladda oo soo saartay digniin ku socota Kalluumeysatadda Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 17, 2018 –Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay Dhammaan kalluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka  taasi oo ay suurtagal tahay  in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha bada.

Qoraal kasoo baxay  Wasaarada Kalumeysiga iyo Kheyraadka bada ayaa lagu sheegay in kaluumeeysatada Soomaaliyeed ay ka feejignaadaan tagida meelaha  fog-fog ee Bada gudaheeda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan.

inta lagu guda jiro xilliga Bad xeranka ayay Kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan  khasaarooyin isugu jira Naf iyo Maal, waxaana la sheegayaa in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhammaan dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment