189 Views

Muxuu yahay Markabka cusub ee lagu afduubtay xeebaha Eyl ee ciidamada dalkii laga lahaa iyo burcaddu ay is-farasaareen

Muxuu yahay Markabka cusub ee lagu afduubtay xeebaha Eyl ee ciidamada dalkii laga lahaa iyo burcaddu ay is-farasaareen
____________________________________________________________________________

Markab nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo ‘MV LILA NORFOLK’ oo uu ka babanaya calanka dalka Liberia ayaa laga afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa ku sii jeeday dalka Baxreyn, waxaana la sheegay in kooxda burcada ah ay la aadeen bariga magaalada Eyl ee dowladda Gobaleedka Puntland.

Ha’yadda ganacsiga baddaha Ingiriiska ee (UKMTO) ayaa sheegtay in shaqalaha markabka oo xariir la soo sameyay ay u sheegeen in shan ilaa lix nin oo hubeysan ay fuleen markabka ayna la wareegeen gacan ku haynta iyo maamulka.

Markabka ayaa waxaa saran 15 shaqaale kuwaas oo dhammaantood u dhashay dalka Hindiya, waxaana lala sameeyay xariir shaqaalaha markabka sida lagu soo xigtay Haa’yadda ganacsiga baddaha Ingiriiska ee (UKMTO).

Shaqaalaha markabka ayaa sidoo kale mar sii horeysay u sheegay Haa’yadda ganacsiga baddaha UK ee UKMTO inay ku dhuumaaleysanayaan meelo ammaan ah oo markabka dhexdiisa ah taas oo loo isticmaalo ilaalinta iyo badqabka marka ay jiraan xaalado degdeg ah ama khataro ay ka mid yihiin burcad-badeednimada,

Ahmed Yaasin wasiirka Dakadaha daadiidka bada iyo kahortaga dambiyada badaha Puntland

Axmed Yaasiin, wasiirka dakadaha gaadiidka badda iyo kahortaga dambiyada badaha Puntland ayaa BBC-da u sheegay in Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada badda Hindiya uu hadda howgal ku hubeysan ku qaaday kooxdii markabkan afduubtay.

Waxaa uu tilmaamay in ilaa iyo hadda aysan helin xog dhameeystisan oo ku saabsan in uu jiro wax khasaaro ah oo kala gaaray labad dhinac marka laga yimaado in kooxada la wareeray.

“Xogta aan galabta helnay waxaa ay sheegaysa in ciidanka badda Hindiya ay howgal ku fuliyeen Markabkii marka ma sheegi karno khasaaraha soo gaaray shaqaalihii iyo kooxdii burcad badeedd ahaaba” ayuu BBC-da u sheegay,”ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin.

Saraakiisha ciidamada Hindiya ayaa horey u sheegay in ay daba socdaan marakabka lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya fiidnimadii Khamiista.

Howgalka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa diyaarado hawada kala socda howgalka markabka lagu fulinayo sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay ciidanka badda Hindiya .

“Ciidanka badda Hindiya waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan badqabka maraakiibta ganacsiga ee gobolka oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidamada Hindiya.

Weerarada burcad badeeda ay ka fulinayaan xeebaha Soomaaliya iyo meel ka baxsan ayaa waxay dhibaato weyn ku hayeen maraakiibta caalamiga ah taas oo keentay in sanadihii 2008-2011, wadamada caalamka ay u soo diraan biyaha Soomaaliya maraakiib dagaal si loo ilaaliyo maraakiibka gancsiga ee halkaasi marayay.

Mid ka mid ah khubarada ka faalloda arrimaha badda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay biyaha Soomaaliya laga yaabo in ay ka danbeeyeen kadib markii maraakiibta badda ee Maraykanka iyo dalal kale laga wareejiyay badweynta Hindiya loona raray badda Cas si ay uga ilaaliyaan maraakiibta kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen.

Afduubashada Markabkan ayaa kusoo beegantay, iyadoo horey kooxaha burcad badeedu ay u afduubteen Markab iyo dhowr doonyood oo kalluumaysi, kuwaas oo lagu haysto meelo katirsan biyaha Soomaaliya sida uu BBC-da u sheegay wasiirka dakadaha gaadiidka bada iyo kahortaga dambiyada badaha Puntland Axmed Yaasiin.

“Burcadu waxaa ilaa iyo hadda ay gacan ku haystaan oo u afduuban shan doomooda oo kuwa kaluumeeysiga ah iyo laba markab oo mid yahay kan hadda howgalka uu ka socdo”

Burcad badeedda ayaa dalbada malaayiin dollar oo madax furasho ah, marka ay gacanta ku dhigaan maraakiibta iyo doomaha gancsiga .

Axmed Yaasiin ayaa BBC-da u sheegay in hadda qorshuhu Puntland uu yahay sidii burcad baddeeda loogala dagaalami lahaa dhanka Biriga iyo xeebaha oo ay iska soo abaabulaan.

.

Xigasho: Abdi Abdullahi | BBC Somali

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post