1221 Views

SAWIRO:-Maamulka G/Banaadir & Madaxda Bangiga Aduunka oo kulan yeeshay

SAWIRO:-Maamulka G/Banaadir & Madaxda Bangiga Aduunka oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 16 2019 —Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Word Bank (Bankiga Aduunka) kaas looga hadlayay horumarinta mashaariicda lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Bankiga aduunka uga mahadceliyay doorka wanaagsan oo ay ka qaadatay in Muqdisho laga soo saaro marxaladihii burburka, waxaa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay madaxda Word Bank in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-u dhiska wadooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda JFS.

Ugu danbeyn Wakiilada Bankiga aduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday iney dowlada hoose Xamar ay ka caawin doonaan mashaariic kaste oo lagu horumarinaayo magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment