987 Views

Ciidamada Dowladda oo xiray wadooyinka soo gala Dhuusamareeb

Ciidamada Dowladda oo xiray wadooyinka soo gala Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay uga baxayaan Magaaladaas.

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamada Ahlusunna ay baneeyeen Xarunta.Dowladda Hoose Ee Degmada Dhuusamareeb,isla markaan ay la wareegeen Ciidamo katirsan kuwa Dowladda soomaaliya.

 

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Magaalada Dhuusamareeb,waxana hoggaanka Sare ee Ahlusunna ay xilligaan ku sugan yihiin Xarunta Inji ee Magaalada dhuusamareeb.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo qeybaah Bulshada kula hadlayay Guriceel ayaa sheegay in waxa ay hadda arkayaan aysan aheyn waxyaabihii ay kula heshiiyeen,isla markaana ay yihiin dib u noqosho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment