1149 Views

Mid ka mid ah Xabsiyada ugu weyn Afrika oo maanta xarigga laga jarayo

Mid ka mid ah Xabsiyada ugu weyn Afrika oo maanta xarigga laga jarayo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 23, 2019–Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho xarigga looga jaro Xabsigii ugu weynaa ee qaab casri ah loo dhiso, kaasoo dhismihiisa uu socday muddo sanado ah.

Xabsigan ayaa furitaankiisa lagu soo aadiyay sanad-guurada 49aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in xabsigan uu la mid yahay sida xabsiyada caalamka ku yaal, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah xabsiyada ugu weyn Geeska Afrika.

Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhaceysa Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Xabsigan oo uu sanadkii 2016 dhagax dhiggay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa waxaa dhisay hey’ado caalami ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ka mid yahay xabsiyada ugu weyn ee Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment