1299 Views

Ninka soomaaliga ah oo gurigiisa ku xanaaneeyo shimbiraha

Ninka soomaaliga ah oo gurigiisa ku xanaaneeyo shimbiraha
____________________________________________________________________________

Marka ay timaado xoolaha dhaqashada waxay Soomaalida caan ku yihiin geela, Lo’da iyo arigga balse kawaran qof Soomaali ah oo xanaaneystay shimbiraha.

Maxamuud Dhagoole oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya ayaa hoygiisa ku xanaaneeyaa shimbiro kuwaas oo uu daryeelayay muddo 12 sano ah.

“Waan tiriyaa inta badan, galabtiina raashiin baan siiyaa, subixiina raashiin baan siiyaa,..Raashiinka magaaladan uga soo gadaa”

Wuxuu intaas ku daray in dadka deegaanka ay u arkaan nin wax howl ah heyn oo isaga jiro arrin khiyaali ah.

“Dadka inta badan uma arkaan in aan masaakiin quudinayo waxay u arkaanba in aan khiyaali ku shaqeysanayo”

Shimbiraha uu xanaaneeyo ayaa gaaraya boqolaal.

Wuxuu BBC-da uga warramay sida uu u xanaaneeyo iyo sababta ku kalliftay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post