1047 Views

Wasiiro ka tirsan DFS oo Sacuudiga kula kulmay Madaxweynaha Somaliland

Wasiiro ka tirsan DFS oo Sacuudiga kula kulmay Madaxweynaha Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 13, 2019 —Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka waxaa ay kula kulmeen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna ka mid ah Madaxda sanadkaan xajineysa.

Wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa,Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud,waxana kulankooda uu ahaa mid is arag ah oo aan horay loo sii qorsheyn.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin la kulanka Madaxweynaha Soomaaliland,kadib qoraal uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri C/llaahi Xaamud.

Si kastaba kulan dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa ah kulankii ugu horeeyay ay yeesheen tan iyo markii Muuse Biixi loo doortay Madaweynaha Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment