1452 Views

Sawirro:-Banaanbax Maanta Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Sawirro:-Banaanbax Maanta Ka Dhacay Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 24, 2019 –Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo ay dhigeen qaar kamid ah shacabka kunool Magaaladaasi.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanayay Raashin ay sheegeen in laga musuq-maasuqay,isla markaana eedeeyn u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed)

Wariye ku sugan Magaalada Baladweyne oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in banaanbaxa uu ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee Magaladaasi,waxaana dadka dhigayay ay isugu jireen Haweeyn iyo Caruur oo kamid ah dadka halkaasi kunool.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Deeq Raashin ah oo ay dowlada Sacuudiga geysay Baladweyne la siiyay dadka qaar,halka kuwo kalena weli aan la siin,taasina ay Maanta keentay in boqolaal shacab ah banaanbax xoogan ay ka hor dhigaan Bakhaaradii lagu xareeyay deeqdaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment