945 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo looga hadlayo doorashooyinka ka bilaabay Baraawe

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo looga hadlayo doorashooyinka ka bilaabay  Baraawe
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Degmada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey xaalada Degmada, u diyaar Gorowga Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Dardargelinta dhisida Maamulka Gollaha Deegaanka Degmada.

Kulanka sidoo kale waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Faqi,Wasiiro,Maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo.

Shalay ayaa waxaa degmada Guriceel gaaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyada oo halkaasi u tegy qiimeynta amniga goobaha lagu qabanayo doorashooyinka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post