975 Views

UN-ka oo qandaraasle Maraykanka ah ku eedeeyay in uu Jabiyay cunnaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay saartay Libya

UN-ka oo  qandaraasle Maraykanka ah ku eedeeyay in uu  Jabiyay cunnaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay saartay Libya
____________________________________________________________________________

 Feb: 20/2/2021

Erik Prince oo ah qandaraasle dhanka amniga ah, xulafana la ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, ayaa jabiyay cunnaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay saartay Libya, baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku helay warbixin faahfaahsan oo ay Jimcihii qortay warbaahinta Mareykanka.

Warbixin qarsoodi ah oo loo diray Golaha Amniga ee QM, oo ay heleen wargeysyada New York Times iyo Washington Post, ayaa lagu sheegay in Prince uu sanadkii 2019-kii geeyay hub iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal shisheeye ah oo taageeraya Khalifa Haftar, oo u xusul duubaya in uu rido dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

New York Times ayaa qortay in howlgalka oo ay ku baxday $ 80 milyan ay ku jirtay qorsheyaal lagu unkayo koox qaabilsan ugaarsiga taliyeyaasha Libya ee ka soo horjeeda Haftar, kuwaasi oo ay ku jireen shaqsiyaad haysta dhalashada Midowga Yurub.

Prince, oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Navy SEAL ee Mareykanka, ayna sidoo kale walaalo yihiin Wasiirkii Waxbarashada ee Trump, Betsy Devos, ayaa sumcad xumo ka soo gaartay xilli uu ahaa madaxii shirkadda amniga ee Blackwater, oo qandaraaslayaasheeda lagu eedeeyay in ay sanadkii 2007 ku dileen magaalada Baghdad dad rayid ah oo aan hubeysneyn.

Afar ka mid ah kuwa loo xukumay falkaasi ayaa waxaa sanadkii hore cafis u fidiyay Trump.

Eedeyntan ayaa suurtagal ka dhigi karta in Prince uu wajaho cunnaqabateyn ay saarto QM oo ay ku jirto xayiraad dhanka safarka, sida ay New Times qortay.

AFP


Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post