357 Views

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab Deegaano hor leh Hiiraan

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka  oo kala  wareegeen xoogaga Al-Shabaab Deegaano hor leh Hiiraan
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 16, 2022

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobolkaasi ay deegaano horleh kala wareegeen xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo ay la galeen.

Ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda 27-aad, kuwa Danab iyo Macawiisleyda ayaa si wadajir ah howlgalladan uga sameeyey inta u dhexeyso deegaanka Halgan iyo Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen deegaanada kala ah:-  Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor, Garasaani, Booco iyo Nuur fanax ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyey saldhigyo iyo xarumo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hiiraan ayaa sheegay in ay guullo ka gaareen, wuxuuna tilmaamay in ujeedka uu yahay sidii Al-Shababa looga saari jinka webiga, si looga hortago weerarada ay mararka qaar kasoo qaadaan halkaasi.

Baakaay ayaa sidoo kale xusay in aysan dib usoo laaban doonin ciidamada dowladda, ayna sii wadi doonaan howlgalka, inta la’isaga xirayo dhammaan deegaanada gobolka.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaa soo jab xoogan lagu gaarsiiyey maleeshiyada kooxdaasi oo haatan laga saaray deegaano dhowr ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post