738 Views

Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.

Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye oo  kulan la  qaadatay Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.
____________________________________________________________________________

\April 6, 2021  

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda ee xilka sii-hareysa Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Maanta kulan ka qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.

Kulanka dhexmaray Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Safiir Qin ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan arrimaha Gargaarka Bini’aadanimo.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian ayaa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ku bixinayaan Soomaaliya, isla markaana taageerada lagu saleyn doono dhinacyo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo MM ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post