1665 Views

Nin Lagu Tuhunsan Yahay Dilka Xaaskiisa Oo La Soo Taagay Maxkamad Ku Taalla Mareykanka

Nin Lagu Tuhunsan Yahay Dilka Xaaskiisa Oo La Soo Taagay Maxkamad Ku Taalla Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 03, 2019 –C/casiis Keerow oo 45 jir ayaa waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda City Heights ee magaalladda San diego ee Gobalka California ee dalkaasi.  Eedeysnaaha waxaa lagu so ooogay dilkii Xaaskiisa, Marxuumad Muna Salaad Kuri oo 35 jir ahayd, taasi oo maydkeeda laga helay Dhismihii ay wada deganaayeen bishii la soo dhaafay ee Maarso 2-dii .

Maxkamaddu waxay Eedeysanaha dul dhigtay lacag damiin ah oo dhan 5 million oo Dollar, si loo sii daayo, inta ay Maxkamadda dib u dhegeysan doonto dacwaddiisa bishan April 12-dii.  Boliska dalka Maraykanka waxay Eedeysanaha oo baxsad ah ka soo qabteen dalka Panama bishii la soo dhaafay ee March 20-da.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment