924 Views

RW Kheyre oo Amar siiyey Guddiga ka hortagga COVID-19

RW Kheyre oo Amar siiyey Guddiga ka hortagga COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 03 2020–Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee kahor tagga covid19,kaas oo habeen walba la qabto.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo Gurmadka deegaannada ay saameeyeen daadadka Roobabka iyo fatahaadaha Wabiyada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golihiisa Wasiirada ayaa ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka
Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wajaheysaa xaalado adag oo ka dhashay Cudurka Coronavirus oo Soomaaliya kiisas badan laga helay iyo fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka Magaalooyinka,Khardho, Baardheere iyo Magaalooyin kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment