648 Views

Maamulka G/ Hiiraan oo lagu wareejiyay Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka

Maamulka G/ Hiiraan oo lagu wareejiyay Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________



isniin: November 22, 2021

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wareejiyay Agab loogu talagalay hubinta Amniga Doorshada Golaha Shacabka ee ee lagu qabanayo Magalada Beledweyne.

Agabkaan oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, iyada oo loo soo marsiiyay Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Agabkaan la wareegay ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha UNSOM, isaga oo sheegay in sidii loogu talo galay loogu Shaqeyn doono.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana laga dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post