282 Views

Iskuulada oo la Xiray, Basaska qaar oo la joojiyay Qeybo kamid ah Dalka Sweden

Iskuulada oo la Xiray, Basaska qaar oo la joojiyay Qeybo kamid ah Dalka Sweden
____________________________________________________________________________

 Talaado: December 20, 2022

Maanta oo Talaado ah waxaa la xiray Qaar kamid Iskuulada Sweden halka Basaska qaarkood la jooojiyay iyadoo Sabab ugu weyn ay tahay Siibashada ama Halkaha ka jira Dalka.

Shalay iyo Maanta Waxaa Sweden ka jiray Roobab taasi oo keentay Dhulka uu ku dhaco Qabow kadibna uu yeesho Siibasho ama Sinbiririxasho.

Dhoor Magaalada Ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen Shilal kala duwan taasi oo sabab u ah Dhulka oo Halka ah.

Dad badan ayaa gaaray Isbitaalada Karlstad, Malmö iyo Lund Dadkaasi oo Shilal kala duwan la kulmay.

Meelaha Iskuulada la xiray waxaa kamid ah Laholm halkaasi oo Simbiririxasho xoogan oo laga dareemayo.

Xiliyadan oo kale Dadka ayaa loogu baaqaa inay iska ilaaliyeen goobaha qaar si aysan u soo gaaren Halis.

Xigasho/TT

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post