1581 Views

Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka

Shacabka Caasimadda oo Muujiyey Kalsoonida Madaxda Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 03, 2019 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga qeyb-galay Degmada Waaberi Munaasabad lagu taageerayay aqbalaaddii Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres go’aankii Dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen go’aankii ay Dawladdu ay ka qaadatay Wakiilkii hore QM u fadhiyey Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dhiirigelisay kalsoonida ay shacabku u hayaan Madaxda dalka,

Eng. Yarisow waxuu sheegay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay isku imaatano dhowr ah oo lagu xoojinayay midnimada shacabka iyo Dawladda, isla markaana lagu caddeynayay mowqifka wadajira ee ku aaddan go’aankii laga qaatay ergay Nicholas Haysom .

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in marnaba aan la aqbali doonin faragelin shisheeye ee gudaha dalka, taasoo ah mid laga soo gudbay, waqtigana ay Soomaaliya hayso horumarka iyo wax-wadaqabsiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada-jeesto wax walba oo dhibaato u keenaya qaranimada iyo qabka ummadda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenadda Gobolka, Xoghaya iyo bulshada ku nool afarta Degmo ee Waliyoow Cadde.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment