903 Views

Hirshabeelle oo sheegtay in Cudurro ka dhasheen fatahaada Webiga Shabeelle

Hirshabeelle oo sheegtay in Cudurro ka dhasheen fatahaada Webiga Shabeelle
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 14 , 2019 | QOL |   –Maamulka Degmada Mahaday ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurro ka dhasheen fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara tuulooyimka Hoosyimaada Degmadaas ka dib markii wabiga uu ku fatahay Xaafado ka mid ah Mahadaay.

 

Saalax Fuleel Xaaji  Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahadaay ayaa sheegay in xaalado nafaqi darro ah ay ka jirto magaalada, isagoo intaa ku daray in weli xaafado ka mid ah magaalada ay biyo fadhiisad noqdeen.

 

 

 

“Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax.

 

Waxaa uu  sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment