624 Views

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo aan dooneyn in xabsi la dhigo

Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo aan dooneyn in xabsi la dhigo
____________________________________________________________________________


Sabti: July 3.  2021

Iyadoo hal maalin uun ay ka harsan tahay waqtigii loo qabtay madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma inuu isu soo dhiibo booliiska, ayaa wuxuu ka codsaday maxkamadda ugu sarreysa dalkaas inay dib u eegto xukunkeeda uu ku muteysanayo xabsiga 15-ka bilood ah.

Talaadadii, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ku heshay amar diddo kaddib markii uu iska indho tiray inuu ka qeyb galo su’aalo weydiin ku saabsan musuqmaasuqa lagu eedeeyay inuu geystay intii uu madaxweynaha ahaa.

Wuxuu sidoo kale codsaday in dib loo dhigo xukunka maxkamadda inta ay dib u eegis uga sameyneyso codsigiisa.

Weriyaha BBC-da Andrew Harding ayaa sheegay in xukunkii Talaadadii uu ahaa mid muhiim ah oo ka dhan ah madxaweynihii hore.

Maxkamadda Dastuuriga ah keliya kuma helin Zuma amar diiddo, balse waxay ku eedeysay qaabab badan oo uu been u sheegay, marin habaabiyay bulshada, isla markaana uu isku dayay inuu “burburiyo sharciga”.

La taliyeyaasha Zuma ayaa sheegay inuu mar walba u hoggaansamayo sharciga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post