810 Views

Banaanbax looga soo hor jeedo Hadalada Qalafsan ee Trum oo ka socda Magaalada Washington

Banaanbax looga soo hor jeedo Hadalada Qalafsan ee Trum oo ka socda  Magaalada Washington
____________________________________________________________________________

Iyadoo ay xilligan habeen u tahay Mareykanka, goobaha codbixintuna ay soo xirmayaan, codadkana la tirinayo, dibadbaxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump ayaa ka socda waddooyinka maagalada Washington DC.

Boqolaal qof oo waddooyinka isugu soo baxay, ayaa qaarkood xiraya waddooyinka ay gawaaridu maraan isla markaana taayarro gubaya. Waxay qaarkood ku dhawaaqayeen: “Haddii aynaan helin caddaalad, nabad ma helayaan!”

Dibadbaxyadu waxay ahaayeen kuwo aan rabshado wadan, balse waxaa jira warar sheegaya dad isaga hor yimid bannaanka Aqalka Cad. Saddex qof ayaa la xiray, sida uu tebiyay NBC Washington. 

Qeybaha kale ee dalkaas, waxaa jira warar sheegaya in la kala cayriyay dad dibadbaxyo ka dhigayay Los Angeles, California; Raleigh, North Carolina; Portland, Oregon iyo New York City.

Dhanka kale, ganacsatada ayaa qaarkood xiray goobahooda ganacsiga iyaga oo ka baqaya in natiijada ay rabshad sababto.

  •  
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post