2133 Views

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 –  Waxaa soo baxaya faahfaahino dhaaraad qarax ismiidaamin oo ka dhacay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo iyadoo qaraxaasi lagu diley taliyaha ciidamo isku dhaf ah oo dhowaan laga dhisay magaalada Gaalkacyo.

Qaraxaan oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay in uu ahaa ruux waxyaabaha qaraxa isku soo xiray waxaana lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada iskudhafka ah ee loo sameeyey in ay sugaan amniga magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas lagu dilay taliyihii Ciidamada isku-dhafka ahaa oo ay dowladda Soomaaliya u sameysay Gaalkacyo oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud korneel Xorreeye iyo Sarkaal kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Qani Axmed Geyre halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday haweeney maqaaxi ku iibin jirtay goobta uu qaraxa ka dhacay halka dadkii ku dhaawacmay qaraxaas la geeyey Isbitaalka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment