1272 Views

Hayaan ” Soomaalida Zwolle iyo deegaanada ku dhowdhow meel ayaan ku wada afuri jirnay”

Hayaan ” Soomaalida Zwolle iyo deegaanada ku dhowdhow meel ayaan ku wada afuri jirnay”
____________________________________________________________________________

Jimco, May 1, 2020 [Qaranimo Online] Axmed Hayaan oo madax ka ah Guddiga Jaaliyadda Soomaalida magaalada Zwolle iyo nawaaxigeeda [Zwolle en omgeving] ayaa ka hadlay saamaynta Viruska Covid 19 uu ku yeeshay nolosha dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan, isaga oo xusay in saamaynta uu ku yeeshay Jaaliyadooda ay tahay; in sannad walba bisha Ramadaan ay meel ku wada afuri jireen, hasse ahaatee sannadkan aysan u suurtagalin maadaama dowladdu ay mamnuucday isu-imaatinada.

“Waxaa isku soo beegmay bisha barakaysan ee Ramadaan iyo iyada oo dalkani mamnuuc laga dhigay in ay meel ku kulmaan in ka badan 3 qofood. Annaga haddaan ahay Soomaalida reer Zwolle meel ayaan ku wada afuri jirnay maalin walba oo Sebti ah, arrintaasi si wayn ayeey inoo saameysay” Ayuu yiri Axmed Hayaan, wuxuuna intaasi raaciyay in sidoo kale albaabada loo laabay dugsigii iyo masaajidkii ay jaaliyadooda maamulaysay.

“Annagu ma dooran cudurkan inuu ku soo beegmo xilligan, qadarta ALLE ayeey ku noqotay, kuwii ka sheekeeya ALLAHA innaga dhigo. Waxaan ALLE waydiisaneynaa inuu shartiisa na dhinac mariyo, kuwa uu saameeyeyna uu caafimaad siiyo” Ayuu yiri Hayaan, isaga oo mar kale guud ahaan jaaliyada Soomaalida ugu baaqay in ay ka qaybqaataan taakuleynta dadka danyarta ah ee ku xanuusan gudaha dalka.

“Annaga jaaliyaddeenu waxay leedahay “WhatsApp” waxaanna jira dad guddiga ka tirsan oo loo xilsaaray sidii ay u caawin lahaayeen dadka baahyaha gaar ah leh ee magaalada ku dhaqan”

Hayaan, waxa uu ku ammaanay mushatamaca Soomaalida sida ay ugu hogaansameen awaamiirta ay dowladda soo saartay ee ku saabsan sidii cudurka loo xakamayn lahaa, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaalida ah in ay qaataan, kuna dhaqmaan farriimaha caafimaadka ah.

“Qof kasta oo Soomaali ah ee dalkan ku dhaqan wuxuu huwan yahay magaca iyo sharafta Soomaalida, xilligan oo ah xilli adag waa inaan raacnaa tallooyinka dhinaca caafimaadka ah, isuna aragnaa inaan safiir u nahay dalkeena” Ayuu yiri Hayaan.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment