300 Views

Wasiirka Caafimaadka Uganda oo ku dhawaaqay inay cirribtireen xanuunka Ebola ee dilay in ka badan 50 qof.

Wasiirka Caafimaadka  Uganda oo  ku dhawaaqay inay cirribtireen  xanuunka  Ebola  ee dilay in ka badan 50 qof.
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 11, 2023

Uganda ayaa ku dhawaaqday inay cirribtirtay xanuunka ee dilay in ka badan 50 qof.

Hadalkan ayaa daba socda muddo 42 maalmood ah oo aysan Uganda diwaangelin kiisas cusub.

“Waxaan si guul leh u xakameynay dillaacitaankii Ebola ee Uganda,” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Jane Ruth Aceng oo sidan ku sheegtay munaasabad maanta ka dhacday Mubende.

Dillaacitaanka xanuunkan, oo billowday bishii September, ayaa sababay walaac gaar ah iyadoo uu sababay xanuunka ka soo billowday Sudan, oo uusan ka jirin tallaalka xanuunka.

Kiisaskan ayaa markii hore ku badnaa degmooyinka gobollada dhexe ee Mubende iyo Kassanda, halkaasoo uu ka soo billowday xanuunkan.

Balse xanuunkan safmarka ah ayaa u muuqda mid xakamaha ka baxayay markii kiisas lagu arkay ugu yaraan toddobo degmo oo kale, oo ay ka mid tahay Kampala.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post