669 Views

Madaxweyne Deni oo Tacsi u diray Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad oo geeriyooday

Madaxweyne Deni oo Tacsi u diray Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad  oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Cabdisamad Cali Shire la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Marxuumku waxa uu ahaa Janaraal Soomaaliyeed oo kamid ahaa ciidanka xoogga dalka, waxa uu masuuliyado badan kasoo qabtay Dowladdii dhexe ee Kacaanka, burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa haldooradii bud-dhigga u ahaa dhismihii Puntland, sanadihii 2009 -2014 waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hadda oo tii Alle utimi waxa uu ka mid ahaa Guddiga Dib u Habaynta Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale Waxaan Marxuum Janaraal Cabdisamad Cali Shire Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post