3195 Views

Cabasho dadweyne oo ka dhan ah ciidan ka tirsan dowlada ee isbaarada dadban dhigtay jidka Warshadaha

Cabasho dadweyne  oo ka dhan  ah  ciidan ka tirsan  dowlada  ee  isbaarada  dadban dhigtay jidka Warshadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 4, 2018 – Warar dheeraada oo soo ifbaxaaya maalmaahan ayaa sheegaya in dadka ku nool degmoyinka Dayniile , Yaqshid iyo Hilwaa eey dhibaato xoogan kala kulmaayaan ciidamada ku sugan jidka Warshadaha gaar ahaan Isgooska Eveco iyo Taraqa iyo Sigaarka, kuwaa oo lasoo sheegayo in eey si qasab ah lacago baad ah kaga qaadanayaan gawaarida isticmaalaya halkaas oo isaga kala goosha wadada Warshadaha, qofkii aan dhiibina lacagahaas eey dib isaga laabaneyso halka eey ka timid marki hore, waxaa kale oo intaa sii dheer in eey jirdil iyo dhaqan xumo isugu darayaan gaadiidleyda halkaas isticmaasha.

Arintaan ayaa walwal xoogan ku abuurtay dadka ku nool deegaanadaas islamarkaana layaab ku noqotay soona xasuusisay xiliyaddii hogaamiiya kooxeed yadii ka talin jiray caasimada Muqdisho.

Baaritaano eey sameysay Qaranimo Online ayaa sheegaya in ciidanka ku sugan isgooskaas eey yihiin ciidanka NISA ee nabad sugida ka tirsan kuwaa oo Saldhigyo ka sameestay halkaas dowladana ugu tala galashay in at xaqiijiyaan amaanka shacabkana, kana celiyaan dhibaatada uga imaan karta qatarta argagixisada Al-Shabaab kuwaa oo marwalba bartilmaameesta dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Hadaba, lama oga ujeedada dhabta ah ee ka danbeysa in ciidankaas falal lidi ku ah dowladnimada eey kula kacaan shacabka ku nool deegaanadaas iyo sababta keentay saraakiisha ciidanka xasilinta in arimaha sidaan oo kale ah eey indhaha uga laabanayaan halki eey wax uga qaban lahaayeen oo eey ciidanka ku kormeeri lahaayeen howlaha eey qaranka uhayaan.

Arimahan haddii wax laga qaban waayo waxeey dowlada uhorseedi kartaa sumcad xumo iyo in kalsoonideedii halkaa ku lunto ugu danbeyna sababi karta isku dhacyo dhax mara dadka deegaanka iyo ciidanka halkaa isbaarada dhigtay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment