417 Views

Antony Blinken oo ku wajahan Yurub xilli laga cabsi qabo dagaal halkaas ka qarxo

Antony Blinken oo ku wajahan Yurub xilli laga cabsi qabo dagaal halkaas ka qarxo
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 19, 2022

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii u safray Yurub, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Ruushka uu duullaan ku qaado Ukraine.

Mr Blinken ayaa magaalada Kyiv kula kulmi doona madaxweyne Volodymyr Zelensky, ka hor inta uusan la kulmin dhiggiisa Britain, Faransiiska iyo Jarmalka.

Jimcaha ayaa wuxuu sidoo kale Geneva kula kulmi doonaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu qorsheynayo inuu weeraro ku qaado dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa sheegay in Moscow ay qaadi rabto duulaan .

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa saxaafadda u sheegtay in tobanaan kun oo askari oo uu Ruushka ka dhisayo meel u dhow xadka uu la wadaago Ukraine ay abuurtay xaalad halis ah oo aad looga cabsi qabo.

Balse wasiirka difaaca ee Ukraine Oleksii Reznikov ayaa ku booriyay dowladaha reer galbeedka inay cunaqabatayn degdeg ah ku soo rogaan Moscow.

Isagoo la hadlayay barnaamijka HardTalk ee BBC-da ayuu ka digay in duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalkaasi uu horseedi karo dhiig daata iyo qalalaaso qaxooti oo soo wajaha Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post