2064 Views

Hanti dhowrka guud oo qoraal jawaab ah ka soo saaray kiiska musuq-maasuqa xukuumadda

Hanti dhowrka guud oo qoraal jawaab ah ka soo saaray kiiska musuq-maasuqa xukuumadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 – Hanti dhowraha guud  ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa war kasoo saaray warbixintii guddiga maaliyadda baarlamanka ee musuq-maasuqa xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre.

Qoraalka kasoo baxay Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo loo diray guddoomiyaha baarlamanka ayaa lagu sheegay inuu ka walaacsan yahay in warbixinta guddiga oo ahayd mid qarsoodi ah oo ayaga u gaar ah inay gaartay warbaahinta.

Waxaa kale lagu sheegay in warbixinta guddiga aan hanti-dhowrka lagala tashan islamarkaana ay tahay mid waqtigeedak kasoo hormartay.

Xafiiska Hanti dhowrka ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah.

1- In dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran

2 – in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda  ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo

3 – in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud oo u muuqda mid difaacaya Xukuumadda ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinta berri loo balansan yahay in Baarlamaanka uu cod u qaado sharciga Hanti dhowrka Guud.

.

.

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment