1419 Views

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia

SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed  (Cumar Filish) ayaa booqasho uu ku tagay safaarada Dowlada  Mareykanka ay ku leedahay Soomaaliya, isaga oo kula kulmay safiirka Mareeykan u jooga Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto.

 

Kulankan u dhaxeeyay duqa magaalada Muqdisho iyo Ambassador Donald Yamamoto ayaa waxa ay kawada hadleyn dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen xoojinta wadashaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo safaarada, Iskaashiga amniga Caasimadda, taageerada mashaariic horumarineed, arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.

 

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) in uu maamulkiisa ku garab istaagi doono barnaamij kasta oo lagu horumarinaayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment