411 Views

Hub iyo maydad Farabadan oo Aslshabaab looga Dilay Wabxo oo lasoo Bandhigay

Hub iyo maydad Farabadan oo Aslshabaab looga Dilay Wabxo oo lasoo Bandhigay
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

Dawladda Soomaaliya ayaa Telegram-ka kusoo bandhigtay sawirro aad u tiro badan oo ah Shabaabkii lugu duqeeyay hawlgaladii aagga Wabxo.

Dadku waxay u googo’een sidii kuwii qaraxyada Xamar ku gubanjiray, lama eegi karo, sidaas daraadeed ayaan sedexdaan sawir kaliya uga soo qaadanay.

Guddoomiyaha Ceel-buur ayaa horay ugu sheegay waraysi uu Radio Muqdisho uu siiyay in meesha halaag ka dhacay.

Sidoo kale warka Guddoomiyaha waxaa laga dheehan karay; aysan xubnaha Shabaabka aysan nolol ku keenayn wixii ay ku qabtaan, aysanna ka gaarsiinayn gargaar caafimaad, lagana yaabo in ay ku eeganayaan oo kaliya, wuxuuna waraysigiisa ku yiri “maaro uma hayno dhaawac Shabaabka”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post