1242 Views

Qareenka Trump oo been darteed looga xannibay shatigii uu ku shaqeysan jiray

Qareenka   Trump oo been darteed looga xannibay shatigii uu ku shaqeysan jiray
____________________________________________________________________________

Jimco: June 25 2021

Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay rugsaddii shargi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden.

Gareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan.

Iyadoo tixraaceysa qalelaasihii lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taas oo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga.

Maxkamadda ayaa soo xigatay hadalkii Madaxweyne Joe Biden ee ahaa “Dalkan waxaa kala dhantaalaya weerarada joogtada ah ee lagu qaadayo saxnaanta doorashadii 2020 iyo madaxweynaheenna hadda, gaar ahaan hadalldada beenta ah ee uu sheegayo (Giuliani), isagoo ku shaqeynaya awoodda qareennimo, isla markaana dhawaqiisa meeldheer geynaya. Waxyeella weynna waa geystay”

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay bannaanka gurigiisa ku yaal bariga Mamhattan ayuu Giuliani ugu yeeray “ganaaxa la saaray mid hal dhinaca ah oo aan ku saleysneyn caddeyn”.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay in Trump uu si isdaba joog ah u sameeyay sheegashada beenta ah ee ah inuu ka adkaaday Biden.

Maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in hakinta kumeelgaarka ah ee Giuliani ay isku bedeli karto in si buuxda shatigiisa sharciga looga xayuubiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post